Qiimaynta Ciyaartoyda Kooxaha Man United & Brighton Ee Kulankii Ay Reds Devils Guuldarada dhabarka loo soo saariyey

kooxda Manchester United ayaa xili ciyaareedkii labaad oo xidhidh ah  kulamada Premier league guuldaro kala soo laabtay kooxda Brighton kulan ay Red Devils soo bandhigtay qaab ciyaareed aad u liitay. Jose Mourinho ayaa daawanayay kooxdiisa oo 3-1 hogaanka looga hayay dhamaadkii qaybtii hore taas oo keentay in ay ka soo kabsan kari waayaan guuldarada soo gaadhay qaybtii hore ee kulankan.

Manchester United ayaan ilaa hadda muujin in ay u tartami karto koobka Premier league waxaana hadda shaki la galinayaa in ay afarta sare ku soo bixi karaan haddii ay ku sii socdaan qaab ciyaareedkii ay guusha kaga gaadheen Leicester City iyo waliba qaab ciyaareedka ay guuldarada kagala soo laabteen Brighton

Haddaba waxaanu halkan idiin ku soo gudbinaynaa qiimayntii ciyaartoyda labada kooxood ee kulankan iyada oo qiimaynta laga ogaan karo sababta ay Manchester United u guuldaraysatay iyo sababta ay Brighton guusha u gaadhay iyada oo bandhiga ciyaartoyda labada kooxood uu gabi ahaanba kala duwanaa.

XIDIGII GAROONKA: Xidiga kooxda Brighton ee Grossayaa noqday xidigii garoonka ugu fiicnaa kadib markii uu sameeyay bandhig uu si wayn u xusuusan doono waqti dheer wuxuuna ka mid ahaa xidigaha guuldarada baday Man United isla markaana guusha u horseeday kooxdiisa Brighton.

Laakiin waxaa sidoo akle kulankan qiimayn sare ka helay Gross, March iyo xidiga saamaynta badan ee Murray laakiin dhinaca kooxda Brighton waxaa kulankan qiimaynta ugu hoosaysa helay Dunk.

Xidigihii Kulankan Ku Fashilmay:

Waxaa kulankan ceebtii ugu waynayd la kulmay Lindelof kaas oo qiimayn 3 darajo oo kaliya ah ka helay kulankan laakiin waxaa sidoo kale fashil aad u wayn la kulmay Ashley Young iyo Bailly si la mid ah Pereirra.

Saxiixa cusub ee Fred ayaa kulankan waji gabax la kulmay wuxuuna qiimaynta liisata kala mid yahay Martial oo fursadii la siiyay dayacay laakiin marka laga reebo Lukaku iyo xidigaha kaydka ka soo baxay ma jiro hal ciyaartoy oo Man United ah oo ay qiimayntiisu gaadhay 6 darajo.

QIIMAYNTA CIYAARTOYDA LABADA KOOXOOD:

Brighton: Ryan (7), Montoya (7), Dunk (6), Duffy (7), Bong (7), Propper (7), Stephens (7), Gross (8), March (7), Knockaert (7), Murray (7).

Badalkii: Balogun (7), Kayal (n/a), Locadia (n/a).

Man Utd: De Gea (6), Young (5), Lindelof (3), Bailly (4), Shaw (5), Pereira (4), Fred (5), Pogba (5), Martial (4), Mata (4), Lukaku (5).

Badalkii: Rashford (6), Lingard (6), Fellaini (6)

 

 

____masteer data ka dhigo sxka 1aad_______

About A.Hussein 1146 Articles
Weheliye Online // Isha Wararka Sugan