Qaramada Midoobay Oo Xustay Qaraxii 14-kii Octoobar Oo Maanto Kale Ku Beegan

0
71
0 0
Read Time:52 Second

Seddex sano ayaa laga jooga markii gaari weyn oo walxa qarxa laga soo buuxiyay lagu xasuuqay dad shacab ah magaalada Muqdisho gaar ahaan Isgooyska Soobe.

Qaramada Midoobay ayaana xustay maalinta 14-ka Oktoobar, waxayna ku tilmaamtay maalin murugo.

Egeyga gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya James Swan ayaa sheegay inay marwaliba ay garab taagan yihiin dhamaan shacabka soomaaliyeed.

” Bahda Qaramada Midoobay oo la jirta dadka Soomaliyeed, waxay diiradda saaraysaa mustaqbalka iyo in lasii wado amba qaadista horumarka ku aadan nabada, dowlad wanaaga iyo barwaaqo kusoo dabbaalidda dalk, Horumarkii lagu talaabsaday laga soo bilaabo 2017kii wuxuu ka tarjumayaa adkeysiga dadka Soomaaliyeed iyo rabitaankooda ku aaddan mustaqbal wanaagsan inkastoo ay jirto dhibaaatada xagjirnimada gacan ka hadalka leh, si kastaba ha ahaatee, arxandarradii wuxuushnimada ahayd ee weerarkii 14-kii Oktoobar 2017-kii lama iloobin, waxaana murugada la qeybsanaynaa qoysaska dadkii naftooda ku waayay iyo sidoo kale¬† dadkii ka badbaaday, ayuu yiri James Swan.

Weerarkii Soobe ayaa wuxuu dhacay 14-kii Oktoobar 2017, waxaana ku dhintay 587 qof wuxuuna ahaa qaraxii ugu dhimashada badnaa ee abid.

About Post Author

A.Hussein

Weheliye Online // Isha Wararka Sugan
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %