Qaar Ka Tirsan Dalalka Daneeya Soomaliya Oo War Kasoo Saaray Doorashooyinka Soomaaliya.

0
112
0 0
Read Time:47 Second

Dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya, ayaa muujiyay muhiimadda ay leedahay in dowladda federaalka iyo dowladdaha xubnaha ka ah Federaalka ay si wadajir ah uga wada shaqeeyan wanaajinta dadka  Soomaaliyeed iyo guud ahaan horumarka dalka.

” Waxaa na dhiira gelinayaa dib usoo nooleynta wadahadalka u dhaxeeya dowladda federaalka iyo dhamaan dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah Federaalka.

Tani waxaa ka mid ahaa shirarkii isdaba jooga ahaa ee ka dhacay magaalada Dhuusamareeb bilihii lasoo dhaafay iyo shirkii wadatashiga ee ka dhacay magaalada Muqdisho bishii Sebtember oo intii lagu guda jiray lagu gaaray heshiiskii nooca doorashooyinka ” ayuu yiri ergeyga gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya James Swan.

James Swan ayaa aad ugu mahadceliyay madaxweynaha dowladd goboleedka Koonfur galbeed soomaaliya C/casiis Lafta gareen, wuxuuna sheegay inuu door muhiim ah ka qaatay hanaanka doorashooyinka.

waxuu sidoo kale sheegay in beesha caalamka ay garab taagan tahay mar walba Soomaaliya, ayna kala shaqeyneyso hormarka iyo sidii doorasho xur ah uga dhici lahayd dalka.

About Post Author

A.Hussein

Weheliye Online // Isha Wararka Sugan
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %