-1.7 C
Munich
Tuesday, January 25, 2022
0 0

Qaar ka mid wadooyinka magaalada Muqdisho oo saakay xiran

Must read

A.Husseinhttp://www.weheliye.com
Weheliye Online // Isha Wararka Sugan
Read Time:40 Second

Waxa lagu soo waramayaa in saakay ay xiran yihiin wadooyinka waaweyn ee magalada Muqdisho.

Ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lasoo dhoobay inta badan wadooyinka,waxana jira feejignaan dheeri ah oo ay muujinayaa ciidamada.

Wadooyinka ay saakay Ciidamadda ay xireen ayaa kala ah Isgoyska Tarabuunka, Isgoyska Banaadir iyo Taleex degmadda Hodan ee Gobolka Banaadir.

Sida ay inoo xaqiijiyeen wariyaasheena  soo maray wadooyinkaas, ciidamo aad u fara badan ayaa wadooyinka la dhigay waxayna si aad ah u baarayaan Gaadiidka Dadweynaha.

Dadka shacabka ayaa mar marka qaar kusoo waabariista in ay xiran tahay wadooyinka ay ku shaqo tagi lahaayeen waxana ay isticmaalaan lugtooda si ay u gaaraan goobahooda ganacsi ama wax barasho.

Ilaa hadda lama oga sababta loo xiray wadooyinka muhiimka u ah caasimadda Muqdisho,mana jiro wax war ah oo kasoo baxay Hay’adaha amaanka.

 

About Post Author

A.Hussein

Weheliye Online // Isha Wararka Sugan
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
- Advertisement -spot_img

More articles

- Advertisement -spot_img

Latest article

error: Content is protected !!