Puntland oo Shaacisay Cida Galmudug u mataleysa Xaaf iyo Baasto Ka Qeyb Galaysa Caleema-saarka Madaxweynaha Cusub.

Magaaladda Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland waxaa 26-ka bishaan lagu caleema-saari doonaa Madaxweynaha Cusub ee maamulkaas Saciid C/laahi Dani.

Xafladda Caleema-saarka ayaa lagu casuumay Madaxda Dowladda Dhexe ee Soomaaliya, Madaxweynayaal hore, iyo Madaxda Xisbiyadda Mucaaradka.

Balse arinta taagan ayaa ah Dowladd goboleedka Galmudug oo Labo Madaxweyne Leh.

Wasiirka Warfaafinta maamulka puntland Cabdi Cali Xirsi (Qarjab), oo la hadlay idaacaddda Simba ee magaaladda Mudqisho ayaa sheegay in ay aqoonsan yihiin Maamulka magaaladda Dhuusa-mareeb ku shaqeeya ee uu hogaamiyo Axmed Ducaale Geelle(Xaaf),

Waxa uu sheegay in martiqaad u direen Xaaf,islamarkaana uu kasoo qeyb gali doono Caleema-saarka Madaxweynaha Cusub ee Maamulka Puntland.

Caleema-saarka Madaxweynaha Maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya oo dhawaan la qabtay ayaa waxaa ka qeyb galay madaxweyne Ku-xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi (Carabey).

3 Comments