-1.7 C
Munich
Tuesday, January 25, 2022
0 0

ONLF iyo Itoobiya oo heshiis ku kala saxiixday caasimadda Asmara

Must read

A.Husseinhttp://www.weheliye.com
Weheliye Online // Isha Wararka Sugan
Read Time:1 Minute, 6 Second

Kaddib kulan ku dhaxmaray magaalada Asmara ee dalka Eretria mas’uuliyiin ka kala soctay Itoobiya iyo Ururka ONLF ayaa ugu danbeyntii lagu kala saxiixday heshiis ka koobnaa dhowr qodob.

Afhayeenka Ururka ONLF Cabduqaadir Hirmooge Cadaani ayaa sheegay in qodobada leysku afgartay uu ka mid ahaa qodob u ogolaanaya Jabhada ONLF in ay sii wada karaan halgankii iyo ujeedooyinkii ay u halgamaysay.

Qodobkan oo si gaar ah su’aal looga weydiiyay Cadaani ayaa sheegay in heshiisku dhigayo in ONLF si nabad-galyo ah u sii wadan karto halgankii ay markii horeba ugu jirtay xoreynta deegaannada Soomaali Galbeed, taasoo muujineysa in meesha laga saarayo in dagaal iyo colaad lagu raadiyo xornimada iyo halganka Jabhada muddo dheerba ku soo jirtay.

‘’Qodobada waxaa ka mid ahaa in la joojiyo colaada iyo in ONLF si buuxda u sii wadan karto si nabad galyo ah halgankii ay ku jirtay iyo la magacaabo guddiyo labada dhinac ah’’ ayuu yiri afhayeen Cadaani.

Dhinaca ONLF waxaa kulanka ku matalayay xubno uu horkacayay guddoomiyaha guud ee Ururka Admiral Maxamed Cumar Cismaan, halka dhinaca Itoobiya ay horkacayeen Wasiirka arrimaha dibedda, Wasiirka Maaliyada iyo waliba madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida.

Ma’aha markii ugu horeysay oo Asmara ku kulmaan labada dhinac, hasse ahaatee heshiiska ay markan gaareen ayaa u muuqda mid soo gabagabeynaya wada hadallo waayadii ugu danbeeyayba u socday labada dhinac.

xigasho:hiiraan.com

About Post Author

A.Hussein

Weheliye Online // Isha Wararka Sugan
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
- Advertisement -spot_img

More articles

- Advertisement -spot_img

Latest article

error: Content is protected !!