spot_img
spot_img

Nin shiikh ah oo lagu dilay Muqdisho

Must read

Waxaa kooxo  hubeysan ay  duleedka Magalada Muqdisho ku dileyn Nin Oday ah,kadib markii ay wadada u galeen gaari nooca raaxada ah oo uu watay kadibna ay rasaaseeyeen,waxana Ninkaas lagu Magacaabi jiray Sheekh Cabdullaahi Maxamed Rooble.

Falkan dilka ah ayaa waxa uu ka dhacay inta u dhaxeysa Tareedisho iyo Tabeelaha Sheekh Ibraahim,waxana eheladiisa ay sheegeen in xilliga la dilayey uu watay Gaari NOHA ah,isla markaana ay rasaaseeyeen Rag watay Mootada loo yaqaano dhug dhugleyda,isla markaana ay baxsadeen.

Goobta falkaan dilka ah ka dhacay ayaa waxaa gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya wallow aysan u suurtagelin in ay gacanta ku soo dhigaan dadkii ka dambeeyey dilkaas.

Ilaa hadda majrto maamulka degaanka iyo laamaha aminiga war ay kasoo saareen iyadoo baryahii ugu dambeeyay ay soo bateen dilaalka loo geysano dadka wax galka u ah Bulshadda

- Advertisement -

More articles

- Advertisement -

Latest article

error: Content is protected !!