Nigeria Oo Ka Dhawaajisay In Burcadbadeed Soomaali Ah Ay Ku Aragtay Biyaheeda.

0
91
0 0
Read Time:40 Second

Bashir Jamoh oo ah Agaasimaha wakaalada iyo badbaadada ee wadanka Nigeria ayaa waxa uu sheegay in Burcad badeed loo maleynayo inay soomali yihiin lagu arkay gudaha biyaha u dhaxeeya xuduudaha Nigeria iyo Guinea.

Hadalkan uu ka dhawaajiyay Bashir Jamoh ayaa imaanaya ka dib markii uu kalan xasaasi ah uu la qaatay Qunsulka guud ee safaarada wadanka Kuuriya ninka lagu magacaabo Kang Haenggu.

Bayaan loo dhan yahay ee ay soo saaren isla markaana u bixiyeen AMNIGA BADAHA, ayaa dalalka Kuuriya iyo Belgium waxay balan qaaden inay garab weyn siin doonan dalka Nigeria oo ku aadanka la dagaalanka Burcad Badeeda.

Si kastaba ha ahaate Agaasimaha Guud ee Wakaalada maamulka iyo badbaadada Badda ee Nigeria ayaa sheegay in wadankiisa ay diyaarisay qorsho cusub oo wax tar leh oo lagula dagaalayo Burcad badeeda soomalida ah ee kusoo duulay biyahooda.

About Post Author

A.Hussein

Weheliye Online // Isha Wararka Sugan
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %