N`Golo Kante Oo Weli Ku Riyoonaya Inuu U Dhaqaaqo Real Madrid

Ciyaaryahanka Khadka Dhexe ee Kooxda Chelsea N`Golo Kante ayaa weli qalbigiisa ku haaya inuu u dhaqaaqo kooxda ka dhisan Caasimada Spain ee Real Madrid, xilli uu xumaaday xiriirka ka dhaxeeya isaga iyo tababaraha kooxda Chelsea Frank Lampard.

Waa sax wuu kusoo bilowday dhamaan afartii kulan ee ay Chelsea ciyaartay Premier League xilli ciyaareedkan 2020-2021, balse wuxuu su`aalo geliyay mustaqbalkiisa kooxda Chelsea.

Inkastoo Kante uusan hubin inuu ka tagayo Kalcada Stamford Bridge ,ayaa hadana laacibkii hore ee kooxda Leicester City loo maleynaya inuu dhabarka aadin doono kooxda Blues.

Sida laga soo xigta jariirada Le Parisien, xiriirka Kante iyo Lampard ayaa xumaaday muddooyinkii dambe.

29 jirkan ayaa u furan inuu ka tago Blues, iyadoo Bernabeu ay tahay riyadiisa.

Qandaraaska uu haatan kula joogo ciyaaryahanka Garoonka Stamford Bridge ayaa dhacaya 2023.

About A.Hussein 1137 Articles
Weheliye Online // Isha Wararka Sugan