Muxuu Ka Dhigan Yahay Heshiiska Ay Kala Saxiixden Dowladda Soomaaliya iyo QM.

0
132
0 0
Read Time:1 Minute, 7 Second

Qaramada iyo Dowladda Soomaaliya ayaa maanta wada gaaray heshiis iskaashi oo cusub,taas oo micnheedu yahay habka ay u wada shaqeyn doonan dowlada soomaaliya iyo Qaramada Midoobay shanta sano ee soo socota.

Magaalada Muqdisho ayaana lagu  qabtay xaflad lagu kala saxiixanaay heshiiska cusub ee Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay.

Heshiiska waxaa goob joog ka ahaa, Ra`iisal wasaare Kuxigeenka dalka Mahdi Maxamed Guulled iyo wasiirka qorshaynta, maalgelinta iyo horumarinta dhaqaalaha , Jamaal Maxamed Xasan.

Wakiilka gaarka ah ee QM James Swan, iyo isku duwaha arrimaha Bani`aadannimada ee Qaramada Midoobay, Adam Abdlemoula, oo sidoo kale haaya xilka ku xigeenka wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay.

” Tan iyo Markii la saxiixay heshiiskii iskaashiga istiraatiijiyadda ee Qaramada Midoobay bishii December 2017, Soomaaliya waxay horumar waxku ool ah kasamaysay hayaanka ay ugu jirto xoojinta nabaddda iyo horumarka ” ayuu yiri James Swan.

Heshiiska UNCF wuxuu ka tarjumaya sida Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ay uga wada go`an tahay inay wada shaqeeyaan si loo taageero Hiigsiga 2030 ee Himilooyinka horumarka waara.

Dhinaca kale Ra`iisal wasaare kuxigeenka dalka Mahdi Guuled ayaa aad usoo dhaweeyay heshiiskan ay la galeen Qaramada Midoobay , wuxuuna sheegay in Qaramada midoobay ay u taagan tahay mar walba inay garab taagnado soomaaliya.

Haddaba Heshiiskan ayaa ka dhigan in Shanta sano ee soo socota Qaramada Midoobay ay sii wadi doonto garab siinta dowladda.

About Post Author

A.Hussein

Weheliye Online // Isha Wararka Sugan
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %