Muwaaddin Soomaali ahaa oo xalay  lagu dilay Dalka Koofur Afrika.

Koofur Africa(Weheliye Online).Waxaa xalay dalka Koofur Afrika lagu dilay Muwaaddin Soomaaliyeed oo ka mid ahaa ganacsatada Soomaalida ee  dalkaas.

Koox ku Hubeysan baskoolado ayaa la sheegay in  ay dil u geysteen Allaha u naxariistee Muwaadin C/Jabaar Cabdullahi Jimcaale oo ka mid ahaa Soomaalida ku ganacsada Dalka Koofur Afrika.

C/Jabaar ayaa waxaa lagu dilay tuulo hoostagta Magaalada  Johannesburg,waxaana halkaas ka baxsaday kooxda dilka geysatay.

Boolisk Koofur Afrika ayaa gaaray goobta iyaga oo aan sheegin cid ay u soo qabteen falka lagu dilay muwaaddinka Soomaaliga ahaa ee lagu dilay Johannesburg..

Dilalka ka dhanka ah Soomaalida ayaa ka socda Dalka Koofur Afrika waxaana sanad waliba dalkaas lagu dilaa ku dhawaad boqol qof.

Dalka Koofur Afrika ayaa waxaa ka jira kacdoon ka dhan ah dadka Ajanabiga ah ee Ganacsiga u taga dalka Koofur Afrika,waxaana arrintaas ka dhashay khilaaf diblomaasiyadeed oo ka dhex dhashay dalalka kale ee Afrikaanka ah iyo dalka Koofur Afrika.

Jaaliyada soomalida ee ku dhaqan dalkaas ayaa si weyn ugu soo horjeysatay falalka lagu dhibaateynayo muwaadiniinta Soomaalida ee ku Ganacsada dalkaas.

About A.Hussein 1123 Articles
Weheliye Online // Isha Wararka Sugan