Mucaaradka iyo dowladda federaalka oo isku haya xubnaha guddiga doorashada dalka.

Xilli dowladda federaalka iyo dowladda goboleedyada Soomaaliya ay maalmihii la soo dhaafay magacaabeen guddiga doorashada iyo kan xallinta khilaafaadka, jadwalka doorashaduna ay tahay in la guda galo doorashada xildhibaannada labada aqal ee baarlamaanka, guddoonka baarlamaanka iyo tan madaxweynaha ayaa qaar ka mid ah siyaasiyiin sheegay inay yihiin musharrixiin u tartamaya xilka madaxweynaha waxa ay dowladda federaalka ku dhaliileen dadka lagu soo daray liiska guddiga doorashada.

Musharrixiinta oo gaaraya 12 ayaa dowladda federaalka ku eedeeyay inay musuqmaasuqeen dhismaha guddiyada doorashada ee dowlad goboleedyada iyo dowladda federaalka, waxaana ay intaa ku dareen in hannaanka loo maray dhismaha guddiyada doorashooyinka labada heer dowladeed aysan sax ahayn ka dib markii ay sheegeen “in xafiiska madaxweynaha, kan ra’iisalwasaaraha iyo kan hoggaanka nabad-sugidda ay musuqmaasuqeen dhismihii guddiyada, maadaama sida ay sheegen liiska lagu daray askar, shaqaale dowladeed iyo dad taageersan madaxda dowladda.

Waxaa kale oo ay walaac ka muujiyeen magacaabiista xubnaha maamuli doono kuraasta Somaliland oo waxa ay ku andacoonayaan in guddoomiyaha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, Senatar Cabdi Xaashi Cabdullaahi ay tahay in looga dambeeyo magacaabista xubnaha gobolladaasi ku metelaya guddiyada doorashada iyo xallinta khilaafaadka ee heer federaal, maadaama sida ay sheegeen uu yahay mas’uulka ugu sareeya ee gobolladaas ka soo jeeda, waxaana ay ku adkeysanayaan in aysan aqoonsaneyn magacaabis kale.

Siyaasiyintan sheegay inay u hanqal taagayan xilka ugu sarreeya Soomaaliya waxaa kale oo ay intaa ku dareen in haddii aanan waxba laga badelin tabashada ay qabaan aysan qeyb ka noqon doonin hannaan doorasho ee ay sheegeen in loo qaabeeyey “boobka”.

Haseeyeeshee bayaanka ka soo baxay musharrixiinta waxaa ka hadlay ra’iisulwasaare ku xigeenka xukuumadda federaalka, Mahdi Guuleed oo sheegay in hadalka musharrixiinta uu yahay kalsooni darro.

“Waxa aan aad ula yaabay qoraal sida la sheegay ka soo baxay mas’uuliyiin ku isman murrashaxiinta madaxweynaha ee doorashada, qoraalkaas oo lagu duraayo guddiyada doorashooyinka, waxaa ka muuqday kalsooni-darro, quus iyo niyadjab”, ayuu Mahdi Guuleed kusoo qoray boggiisa Facebook-ga.

Wuxuu intaa raaciyay in aysan jirin farqi u dhaxeeya qaabkii loo soo xulay guddigii doorashada heer federaal iyo kan Somaliland ee doorashadii 2016 iyo kuwa 2020 oo labadabuba sida uu sheegay ay ka soo dhex muuqdeen dad Soomaaliyeed oo ka shaqeynayay xafiisyada dowladda.

Inkastoo dowladda aysan muujineyn dabacsanaan ku aadan walaaca ay muujiyeen mucaaradka, xubnaha mucaaradkuna ay ku adkeysanayaan in aysan aqoonsaneyn qaabka wax loo wado ayaa haddii dhinacyada ay isku fahmi waayaan xallinta arrintan waxaa ay walaac ku keeni doonta habsami u socodka doorashada.

X:-BBCSOMALI

About A.Hussein 1137 Articles
Weheliye Online // Isha Wararka Sugan