spot_img
spot_img

Morata oo labo gool u dhaliyay Chelsea 3-1 Crystal Palace.

Must read

A.Husseinhttp://www.weheliye.com
Weheliye Online // Isha Wararka Sugan

Chelsea ayaa ku jirta kaalinta labaad ee horyaalka Premier League iyadoo labo gool ka dhalisay Alvaro Morata oo ka caawiyay Blues inay 3-1 kaga badiso Crystal Palace.

Morata ayaa dhaliyay goolkii ugu horeeyay daqiiqadii 32aad markii uu kubad ka helay Pedro, lakiin Palace ayaa 7 daqiiqo ciyaarta ka jawaabtay qeybtii danbe ee ciyaarta, waxaana goolka guusha u dhaliyay Andros Townsend.

Chelsea ayaa hogaanka ciyaarta la wareegtay daqiiqadii 65aad markii Morata uu ka soo kabsaday kubad xajis ah oo ka timid Eden Hazard oo bedel ku soo galay.

Shan daqiiqo ka dib Pedro ayaa diilinta 18aad ku soo galay Marcos Alonso si uu u xajisto seddexda dhibcood, islamarkaana uu sii wato guuldaradii Chelsea ee xilli ciyaareedkan.

Chelsea ayaa ka sareysa Liverpool farqiga goolasha, waxaana laba dhibcood ka danbeeya kooxda hogaanka heysa ee Manchester City, halka Palace ay ku jirto kaalinta 14aad, seddex dhibcood ayaa ka hooseysa seddexda hoose.

- Advertisement -

More articles

- Advertisement -

Latest article

error: Content is protected !!