spot_img
spot_img

Maxey tahay sababta ay Eritrea u xirtay xadka ay la wadaagto dalka Ethiopia?

Must read

A.Husseinhttp://www.weheliye.com
Weheliye Online // Isha Wararka Sugan

Waxa wali xiran xadka ay wadaagaan dowladaha Eritrea iyo Ethiopia kaas oo ay dowlada Eritrea ay ka xirtay labo meel oo muhiim u ah isku socodka dadka iyo gaadiidka iskaga kala gooshaya labada dal.

Lama oga sababta keentay in Eritrea ay qeyb ahaan xirtey labo meel oo loogaga gudbo  dalka Ethiopia kuwaasoo la furay sanadkan kadib markii ay labada dal ay heshiis nabadeed gaareen ayna dib u soo ceshteen xiriirkii diblumaasi sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan labada wadan.

Afhayeenka u hadashay gobolka Tigray Liya Kassa ayaa u sheegtay wakaalada wararka ee AP in weli dadka Eritrea ay u soo gudbayaan gudaha dalka Ethiopia.

“Zalambessa iyo Rama ayaa laga xirey subaxnimadii  Arbacada dhinaca Eritrea.”ayay tiri Liya Kassa.

Liya Kassa ayaa intaa ku dartay in saraakiisha Eritrea ay weydiinayaan dadka Ethiopianka ee doonaya inay ka gudbaan xadka dukuminti safar oo ay dowlada Federalka Itoobiya soo saartay.

Afhayeen u hadlay Wasaarada Arrimaha Dibada Ethiopia ayaa sheegay in aysan ka warhayn xayiraada cusub ee xadka. Sawiro la soo dhigey baraha bulshada ayaa muujinaya basas iyo gaadiid waaweyn oo ku xayiran xadka.

Kumanaan ruux ayaa ka gudbay xadkan oo xirnaa muddo labaatan sanadood ah iyadoo ganacsi iyo qoysas kala maqnaa ay dib u midoobeen.

Labada dowladood ayaa sidoo kale ballanqaaday inay ciidamada ku sugan xadka kala qaadi doonaan.

Dalalka Ethiopia iyo Eritrea ayaa dib u soo ceshtay xiriirkooda diblumaasi bishii June kadib markii uu xilka la wareegay ra’iisul wasaare Abiy Axmed bishii April.

- Advertisement -

More articles

- Advertisement -

Latest article

error: Content is protected !!