-1.4 C
Munich
Tuesday, January 25, 2022
0 0

Maxay ka wadahadleen Dowladda Fadaraalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey.?

Must read

A.Husseinhttp://www.weheliye.com
Weheliye Online // Isha Wararka Sugan
Read Time:32 Second

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdirasaaq Maxamuud ayaa kulan la yeeshay Madaxweynaha kal-fadhiga 75-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay Mudane Volkan Bozkir.

Wasiir Maxamed ayaa Madaxweynaha uga war bixiyey guulaha ay dowladda Soomaaliya ku tilaabsatay & horumarka ay ka gaartay arrimaha Siyaasadda, amniga & kaabayaasha dhaqaalaha.

Madaxweynaha ayaa dhankiisa ka mahadceliyey booqashada wasiirka & horumarka dowladda Soomaaliya, wuxuuna uu madaxweynuhu sheegay in ay sii labo jibaari-doonaan taageeridda QM ee Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa maalmahan ku sugnaa dalka Mareykanka isagoo intii uu halkaas ku sugnaa kulan la yeeshay mas’uuliyiin kala duwan oo uu kala hadlay xaaladda wadanka.

About Post Author

A.Hussein

Weheliye Online // Isha Wararka Sugan
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
- Advertisement -spot_img

More articles

- Advertisement -spot_img

Latest article

error: Content is protected !!