Maxaa looga hadlay kulankii Saciid Deni iyo Lafta-Gareen?

0
142
0 0
Read Time:33 Second

Kulan ay  Muqdisho xalay ku yeesheen madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Puntland iyo Koonfur Galbeed, ayaa la sheegay in ay kulankooda ugawada-hadleen arrimo dhowr ah oo ku saabsan xaaladda siyaasadeed ee ka taagan dalka.

Dhanka kale Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa isla xalay hoyga uu ka deganyahay Muqdisho kula kulmay madaxweynaha Hir-shabelle Maxamed Cabdi Waare.

Labadan masuul waxaa la sheegay kulankooda inay isaga xog-wareysteen xaaladaha siyaasadeed ee dalka, iyo shirka wadatashiga dowladda federaalka, dowladaha xubnaha ka ah federaalka, iyo  maamulka gobolka Banaadir.

Waxaa Sabtida maanta ah loo malansanaa in uu furmo shirkaas, balse lama oga sida ay ku suurtaabi doonto, waxaana xusid mudan inay madaxdu kala maqanyihiin.

About Post Author

A.Hussein

Weheliye Online // Isha Wararka Sugan
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %