Maxa ka soo baxay kulamadii dhaxmaray Madaxweyne Farmaajo, Cali Guudlaawe iyo Gaaska Beesha Xawaadle.

0
247
0 0
Read Time:56 Second

Madaxweynaha jamhuuriyada Fadaraalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa magaalada caasimada Ee Muqdisho ugu yeeray Ugaaska Guud ee Beelweyn XAWAADLE Ugaas Xasan Ugaas Khaliif si uu arimaha maamulka Hirshabelle ugala Hadlo.

Ugaas oo aqbalay casuumaada ayaa soo gaaray magalada Muqdisho, Waxana kulamo gaar gaar ah oo aan la shaacin la yeeshay madaxweynaha Dalka.

Labada Mas’uul ayaa ka wada hadlay xaaladaha maamul u sameynta Gobolka Hiiraan iyo Qorshaha Dowladda.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in Ugaaska aanu wax go’aana ka qaadin, Balse uu u yimid in uu dhageysto madaxda dowlada Fadaraalka ah ee somalia, kadib uu dib ula laaban doono,madaxweyne Farmaajo ayaa isku dayay in uu ku qanciyo taageerida dhismaha labaad ee maamulkka Hirshabele iyo in lagu tartamo doorashada taas oo lagu wado in ay ka dhacdo caasimada maamulka ee Jowhar.

Dhanka kale waxa xalay magalada Muqdisho ku kulmay Ugaas Xasan iyo Musharaha madaxweyne Cali Guudlaawe,wallo aan kulankaas wax go’aan ah lagu gaarin.

Waxa muuqata in aan wali xalwaara laga gaarin dhismaha labaad ee Maamulka Hirshabele , waxana qeyla dhaanta ugu weyn ay ka timid beesha Xawaadle oo ku dhagan in ay leedahay kursiga Madaxweynaha Maamulka Hirshabele.

About Post Author

A.Hussein

Weheliye Online // Isha Wararka Sugan
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %