Mareykanka Oo Ciidamadiisa Kala Baxaya Soomaaliya

0
155
0 0
Read Time:36 Second

Madaxweynaha Dalka Mareykanka Donald Trump ayaa waxa uu dalbaday in ciidanka Mareykanka ee jooga Soomaaliya sida ugu dhaqsiyaha badan looga soo saaro.

Tiro ku dhow 700 oo askari mareykan ah ayaa ku sugan Soomaaliya , kuwaas oo tababara ciidamada Soomaaliya.

Sidoo kale Mareykanka ayaa gacan siiya Ciidamada gaarka ah ee DANAB PSF-ta Puntland, iyadona la sheegayo in hadda ay ka go`antahay in ay iskaga baxan Soomaaliya.

Bishii September ee sanadkan ayee ahayd markii madaxda dowlada Soomaaliya iyo Taliska Mareykanka ee AFRICOM ay kulan ku yeeshen gudaha garronka Aadan Cadde, waxayna kawada hadlen arrimo la xiriira Ciidanka Mareykanka.

Sida iska Cad go`anka Donald Trump ayaa waxay qeyb ka tahay ololaha Doorashada Mareykanka ee ah in lawada celiyo dhamaan ciidamada jooga dunida.

About Post Author

A.Hussein

Weheliye Online // Isha Wararka Sugan
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %