Man United oo guuldaro adag kala soo kulantay kooxda Bournemouth oo ay booqatay…+SAWIRRO

Must read

A.Husseinhttp://www.weheliye.com
Weheliye Online // Isha Wararka Sugan

Ciyaaraha(Weheliye Online).xoogda kubada cagta ee  Manchester United ayaa guuldaro niyadjab ah kala soo kulantay dhigeeda Bournemouth.United oo ay ku booqatay Vitality Stadium, kaddib markii loogu soo awood sheegtay 1-0, ciyaar ka tirsaneyd kulamada todobaadkan ee horyaalka Premier League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala maray 1-0 ay ku hogaamineysay kooxda martida loo ahaa ee Bournemouth.

Daqiiqadii 45-aad kooxda Bournemouth ayaa hogaanka u qabatay ciyaarta, waxaana 1-0 dheesha ka dhigay Joshua King, waxaana goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Adam Smith.

Qeybta labaad ee ciyaarta marka dib ay dib isugu soo laabteen labada kooxood ayaa waxay sameeyeen qaab ciyaareed aad u fiican, waxayna sameeyeen fursado halis ah ee goolal loo filan karay.

Laakiin ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay 1-0 ay guusha ku raacday kooxda Bournemouth oo saddexda dhibcood kaga qaatay Vitality Stadium, Manchester United oo marti u aheyd.

- Advertisement -

More articles

- Advertisement -

Latest article

error: Content is protected !!