Mahdi Guuleed “Guddoomiye Cabdi Xaashi waa lagula tartamayaa kursigiisa doorashada “

0
200
0 0
Read Time:52 Second

Raysal wasaare ku xigeenka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sheegay in guddoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi lagula tartamidoono kursiga uu ku qoran yahay oo markii hore uu kaligii ku qornaa.

Inkastoo raysal wasaare ku xigeenku sheegay in la waayay cid markii hore soo gudbisa in ay la tartamayso Cabdi Xaashi, haddana wuxuu sheegay in odayaasha ay markii dambe usoo gudbiyeen musharrax kursigaas kula tartamaya.

Musharrax lagu magacaabo Siciid Cumar Xuseen ayaa kursigaan kula tartamidoono guddoomiye Cabdi Xaashi. Balse, dhawaan waxaa warbaahinta kasoo muuqday shakhsiyaad dumar ah oo ka cabanayay in loo diiday in ay u tartamaan kursiga Cabdi Xaashi ku fadhiyo.  

Warar hoose oo ay heshay Weheliye Online ayaa sheegaya in qofka lagu wado in uu la tartamo Cabdi Xaashi Cabdullaahi uu yahay meesha la keensaday si loo muumijo in kursiga lagula tartamay Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Si kastabe ha ahaatee, Guddiga doorashada gobolada waqooyi ayaa maanta guda galaya doorashada, iyagoo dhageysanaya khudbaha 11 ka musharrax ee u taagan aqalka sare,.

Doorashada ayaa ka dhacaysa xerada Afisyoone, halkaa soo ku xaraysan yihiin ergada doorashada.

About Post Author

A.Hussein

Weheliye Online // Isha Wararka Sugan
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %