spot_img
spot_img

Madaxwynaha Jabbaland oo booqday xeryaha ciidanka Jubbaland+Sawiro

Must read

A.Husseinhttp://www.weheliye.com
Weheliye Online // Isha Wararka Sugan

Axmed Maxamed Islaam Madaxweynaha Maamul Goboleedka Jubbaland waxa uu kormeer ku tagay qaar kamid ah Xarumaha Ciidamada Nabadsugida Jubbaland

Madaxweynaha oo saakay ku kalaxay xeryaha ciidamada Jubaland ayaa kulan la qaatay Sarakiisha hogaamineysa ciidamada asigoo ku booriyay in ay sii laban laaban dadaalkooda iyo u diyaar garoowgooda howlgalada socda ee la isugu furayo Magaalooyinka xorta ah kuwa maqana dib loogu xoraynayo.

Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in Al-Shabaab ay awood ahaan aad u liitaan oo aysan hor istaagi karin Ciidamada howlgalada bilaabay loona baahan yahay in la sii xoojiyo oo si dardar leh loo wado.

Waxaa uu hoosta ka xariiqay in Shacabka wali ku jira gacanta cadowga ay hiil uga baahan yihiin lana joogo wakhtigii xoriyada looso celin lahaa ayna ku noolan lahayeen nolol aan cabsi lahayn.

Abaabul ciidan ayaa laga dareemayaa deegaanada Jubaland kaas oo ay ku doonayaan in Al-shabaab ay kala wareegaan deegaanada ka maqan gacanta maamulka Jubaland.

Sidoo kale ciidamada xooga dalka SNA ayaa qeyb weyn ka qaadanayaa Howlgalka la doonayo in Al-shabaab looga saaro dalka.

- Advertisement -

More articles

- Advertisement -

Latest article

error: Content is protected !!