Madaxweynihii hore ee soomaaliya Mudane Sheekh Shariif oo todobaadkan gudihiisa safarkii labaad ku gaaray Magaalada Jowhar.

0
126
0 0
Read Time:53 Second

guddoomiyaha Madasha Xisbiyadda Qaran mudane Shariif Sheekh Ahmed ayaa hada soo gaaray magaalada Jowhar ee xarunta maamulka HirShabeelle.

Sheekh Shariif iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa maanta kasoo ambabaxay magaalada Muqdisho, waana markii labaad ee todobaadkan gudihiisa uu gaaro Jowhar.

Wararka aan ka heleyno socdaalkiisa waxay sheegayaan in Sheekh Shariif uu Jowhar u tegay sidii loo dhameystiri lahaa dadaallada lagu xalinayo khilaafka u dhaxeeya beelaha ee ka dhashay doorashada dowlad goboleedka HirShabelle.

Guddoomiyaha Madasha Sheekh Shariif ayaa maalmo ka hor tegay Jowhar, waxuuna halkaas kulamo kula yeeshay odaysha dhaqanka iyo waxgaradka beelaha reer HirShabeelle, kuwaas oo uu kala hadlay sidii ay xal uga gaari lahaayeen tabashooyinka dhexdooda ah, inta aan la gaarin doorashada madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa.

Sidoo kale maanta waxaa lagu wadaa inay magaalada Jowhar ka dhacdo doorashada guddoonka baarlamaanka labaad ee HirShabeelle, waxaana u taagan ilaa lix musharax oo u kala tartamaya xilalka guddoomiyaha, ku xigeennadiisa koowaad iyo labaad.

Madaxweynihii hore ee soomaaliya shiikh shariif ayaa dadaal xoogan ugu jira sidii u xalin lahaay khilaaf la sheegay in uu ka dhashay cidda noqoneysa madsxweynaha Maamulka Hirshabelle.

About Post Author

A.Hussein

Weheliye Online // Isha Wararka Sugan
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %