spot_img
spot_img

Madaxweyne Waare oo ka hadlay dagaal beeleed ka taagan duleedka dagmada Maxaas.

Must read

A.Husseinhttp://www.weheliye.com
Weheliye Online // Isha Wararka Sugan

Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa si kulul uga hadlay dagaal beleedka ka taagan deegaan hoostaga degmada Maxaas ee Gobalka Hiiraan.

MR:Waare ayaa sheegay in dagaal beeleedka ku soo noqnoqday Degaanno Hoostaga Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan in ay yihiin kuwa lagu taageeray Al-shabab sida uu hadal u dhigay.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay in sida uga dhaqsiyaha badan loo joojiyo dagaalka u dhaxeeyo beelaha walalaha ah.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa tacsi u diray dadka ku dhintay dagaalka kuwa dhaawaca ahna uu u rajeeyay caafimaad deg deg ah.

Madaxweynaha Hirshabelle ayaa gudi u saaray dhameynta Xiisada ka taagan duleedka Degmada Maxaas ee Gobalka Hiiraan.

Waxana jira dadaalo lagu dhax galaya beelaha ku dagaalamaya duleedka degmada Maxaas.

- Advertisement -

More articles

- Advertisement -

Latest article

error: Content is protected !!