Madaxweyne Farmaajo oo wareegto ku magacaabay Garsoorayaal ka tirsan Maxkamadda Sare

Madaxweynaha Jamhuuriyada Fadaraalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wareegto ku magacaabay
Garsooreyaal ka mid noqonaya Maxkmadda Sare ee dalka, keddib soojeedin ka timid Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Mudane Baashe Yuusuf Axmed.

Magacyada Garyaqaannada uu Madaxweynuhu u magacaabay xilalka Garsoorenimo ee Maxkamadda Sare ayaa ah:

Garyaqaan Xasan Cabdinuur Cabdirixmaan.

Garyaqaan Abuukar Axmed Cali (Qasaali).

Garyaqaan Cabdulqaadir Idiris Ciise.

Garyaqaan Suleymaan Maxamed Maxamuud.

Madaxweyne Farmaajo ayaa kula dardaarmay garsooreyaasha uu magacaabay in ay dhawraan sarreeynta sharciga dalka iyo in ay si siman ugu adeegaan shacabka.

Tallaabadan uu qaaday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku saleeysan dardar gelinta Golaha Adeegga Garsoorka iyo wax ka qabashada cabshooyinka dhanka cadaaladda ee ka yimid Muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Waxana la filayaa in Garyaqaannada ay wax badan ka badali doona garsoorka dalka kaas oo ay cabasho badan ka keeneen shacabka.

About A.Hussein 1146 Articles
Weheliye Online // Isha Wararka Sugan