-1.7 C
Munich
Tuesday, January 25, 2022
0 0

Madaxweyne Farmaajo oo waqti la qaatay bulshada ku dhaqan magaalada Marka +sawiro

Must read

A.Husseinhttp://www.weheliye.com
Weheliye Online // Isha Wararka Sugan
Read Time:52 Second

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa xalay ku hoyday magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose, kaddib markii uu maalintii shalay uu safar lama filaan ah ku tagay magaalada.

Safarka Madaxweynaha ayaa ku soo beegmay, sanad-guuradii koowaad ee qaraxii 14 October ee boqolaalka ruux ay ku dhinteen.

Madaxweynaha ayaa la kulmay qeybaha kala duwan ee bulshada, sida odayaasha deegaanka oo uu kala hadlay amniga iyo sidii ay ula shaqeyn lahaayeen ciidanka dowladda.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa la kulmay dhinacyadii ku dagaalamay magaalada Marka oo todobaadyo ka hor ay Ciidanka dowladda ku guuleysteen inay kala qaadaan.

Madaxweynaha ayaa la arkayay isagoo dhex socda bartamaha magaalada, lana shaahayay dadka deegaanka, sidoo kale waxaa uu Madaxweynuhu booqday Xeebta Marka oo carruur kubad ku ciyaareysay.

Madaxweynaha ayaa shalay ku tagay magaalada Marka diyaarad Helicopter ah oo ka qaaday magaalada Muqdisho, iyadoo ku dejisay Saldhigga Ciidamada AMISOM ku leeyihiin deegaanka Ceeljaale.

Intii uu joogay madaxweynaha ayaa la kulmay Bulshada kala duwan ee ku dhaqan deegaanka marka asigoo lug ku maray xaafado ka tirsan deegaanka marka.

 

About Post Author

A.Hussein

Weheliye Online // Isha Wararka Sugan
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
- Advertisement -spot_img

More articles

- Advertisement -spot_img

Latest article

error: Content is protected !!