Madaxweyne Farmaajo oo magacaabay saraakiil ciidan xooga dalka.

0
234
0 0
Read Time:29 Second

Madaxweynaha DFS mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Taliye ku-xiggeenka ciidanka Xoogga u magacaabay Jeneraal Cabaas Amiin Cali oo horay u ahaa Taliyaha Ciidanka dhulka.

Sidoo kale Taliyaha Ciidanka Dhulka ayaa loo magacaabay Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi, halka Taliye kuxigeenka Ciidanka Dhulka loo magacaabay Col Xuseen Xoosh.

Saraakiishan la magacaabey ayaa maanta la kala wareegay xilalkooda, kadib Munaasabad xil wareejin aheyd oo lagu qabtay xaruunta Wasaaradda Gaashaandhiga.

Is bedeladan lagu sameeyay taliska ciidamada xoogga ayaa ku soo aadaya xilli muddo xileedka madaxweyne Farmaajo uu ka harsan yahay bilooyin, isla markaana dhowr jeer isbadal lagu sameeyay hoggaanka ciidamada.

About Post Author

A.Hussein

Weheliye Online // Isha Wararka Sugan
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %