spot_img
spot_img

Madaxweyne Farmaajo oo halis ku galay madax adeega Fahad Yasin iyo Kheyre

Must read

A.Husseinhttp://www.weheliye.com
Weheliye Online // Isha Wararka Sugan

Madaxweyne Maxamed cabdullahi Farmaajo waxa uu wajahaayaa caadaadis kaga imaanaya Golaha shacabka oo uu ka yaalo mooshin ay keeneen ku dhawaad 92 xubnood.

Waa madaxweyne aan looga baran marka ay arin cakiran tahay inuu hadlo waxa uu isku dayaaa inuu arinta si hoose loo xaliyo.

Inta badan Wuxuu qaadanaya talooyin qar iska tuurnimo ah ,oo la aaminsan yahay iney ka timmid Fahad Yasin iyo Xasan Cali Kheyre.

Saacadihii lasoo dhaafay wuxuu Farmaajo ku kacay dhowr qalad oo u muuqday inuu yahay nin xukunka xoog kula wareegay.

“Fahad iyo Kheyre ayaa u sheegay Farmaajo inuu cid walba ka guuleysan karo, waxey diideen wax walba oo xal u noqon karay khilaafka taagan ayuu yiri mudane ka tirsan Golaha Shacabka oo diiday in aan magaciisa xigano.

“Waxey madax adeega iyo siyaasada aan aragti ku dhisneyn ee Fahad iyo Kheyre u sababtay Farmaajo inuu jahwareer ku dhaco, waxeyna u badan tahay inuu halis intaan ka weyn ku dhici doono ayuu hadalkiisa ku daray.

Farmaajo ayaa cuntadii, biyihii iyo korantadii ka jaray guriga gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal, taladaas oo dad badan ka yaabisay ayuu Farmaajo ka helay saaxibadiis.

Xaalka ayaa sii xumanaya, iyadoo ay madaxtooyadu wado hadalo been abuur ah iyo dacaayado laga fidinaayo gudoomiyaha Golaha Shacabka.

Gudoomiyaha golaha shacabka ayaa ka soo guuray hoyga uu ka dagnaay madaxtooyada asagoo usoo guuray agagaarka garoonka muqdisho.

- Advertisement -

More articles

- Advertisement -

Latest article

error: Content is protected !!