spot_img
spot_img

Madaxweyne Farmaajo oo goordhow gaaray goobta uu ka furmayo Shirka.

Must read

A.Husseinhttp://www.weheliye.com
Weheliye Online // Isha Wararka Sugan

Waxaa haatan soconaysa qaban qaabadii ugu dambeysay shirka looga hadlayo arrimaha doorashada soomaaliya , kaasi oo ka furmaya Teendhada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in madaxda ka qeyb galeysa shirkaas ay bilaabeen inay tagaan goobta uu ka furmayo shirka.

Kolonyo galbineysay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa goordhow gaartay xarunta Afisyooni, sidoo kale Madaxda qaar ka mid ahdowlad Goboleedyada ayaa iyana la filayaa inay tagaan.

Lama oga in madaxweyneyaasha maamulada Puntland iyo Jubbaland in ay ka qeyb galayaan shirka.

Xubnaha beesha Caalamka ayaa wado dadaaladii ugu dambeeyay ee ku saabsan in shirka uu noqdo mid loo dhan yahay

- Advertisement -

More articles

- Advertisement -

Latest article

error: Content is protected !!