spot_img
spot_img
0 0

Madaxweynaha maamulka KGS oo gaaray Magaalada Hudur

Must read

A.Husseinhttp://www.weheliye.com
Weheliye Online // Isha Wararka Sugan
Read Time:1 Minute, 14 Second

Magaalada Hudur ee Gobolka Bakool waa magaalo ay gotoomiyeen dagaalamayaasha Al-shabab adeegyada bulshada waa kuwa caadi u socdo.

Magaalada waxey caan ku tahay dhanka wax barashada oo ay aroortii ay indhahaadu qabanayaan arday ku labisan dareeska schoolada oo u socdo goobaha wax barashada.

Nabad galyo wanaagsan ayaa ka jirta magaalada Hudur ee gobolka Bakool,waxana amaanka magaalada gacanta ku haaya maamulka Magalaada hudur.

Waxana wali magaalada ku sugan dadkii kasoo barakacay degmada tiyeglow ee gobolka bakool.

Qaar ka mid ah dadkii ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee hudur ayaa madaxweynaha cusub ka dalbaday in uu ka shaqeeyo sidii deegaanadooda looga saari lahaay Al-shabab

“madaxweynaha waxan ka codsaneynaa in uu nooqabto deegaanadeena oo ay nabadiidka roogaan”

Magaalada Hudur waxa ka jiro is badal dhanka Ganacsiga ah iyadoo dadka deegaanka uu ganacsi weyn uu kala dhaxeeyo magaalada Baladweyn

Wadda xiriiriso Baladweyne iyo Hudur waa wada kaliya ee u furan ganacsiga iyo isku socodka dadka ee magaalada Hudur.

Magaalada Hudur oo siweyn ugu tiirsaneed ka ganacsiga xoolaha nool ayaa dhawaanahaan suuqyada magaalooyinka kale la keenin xoolaha laga keeni jiray magaaladaas.

Dadka deegaanka ayaa dareemayaa caqabadaha ugu weyn ee heysta in ay tahay wadooyinka oo gotoonsan.

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Abdicasiis xasan maxamad lafta gareed ayaa gaaray magaalada hudur waxana uu dadweynaha magaalada hudur ugu baaqay hoowsha ugu horeeysa ee uu qabanayo in ay noqondoonto furida wadooyinka xiran.

Halkaan ka dhageyso codka M.KGS

About Post Author

A.Hussein

Weheliye Online // Isha Wararka Sugan
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
- Advertisement -

More articles

4417 COMMENTS

Latest article

error: Content is protected !!