-1.4 C
Munich
Tuesday, January 25, 2022
0 0

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland oo maanta ku soo wajahan Muqdisho iyo wararkii ugu dambeeyay ee doorashada!.

Must read

A.Husseinhttp://www.weheliye.com
Weheliye Online // Isha Wararka Sugan
Read Time:41 Second

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta la filayaa in maanta uu soo gaaro magaalada Muqdisho, si uu uga qeyb galo shirka dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada oo maalmaha soo socda ka furmaya Muqdisho.

Sida wararku sheegayaan Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa gelinka dambe ee maanta la filayaa inuu yimaado, waxaana uu degi doonaa xeyndaabka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, halkaasoo looga diyaariyay hoy.

Wararka ayaa sheegaya in amnigiisa ay sugayaan Ciidamada AMISOM iyo ciidan ka mid ah kuwa gaarka ah ee Jubbaland.

Axmed Madoobe ayaa horay shuruud ugu xiray imaanshihiisa Muqdisho, isagoo soo jeediyay in shirka uu ka dhaco meel amni ah oo lagu kalsoonaan karo.

Shirka u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada ayaa ka dhici doona Teendhada Afisyooni oo ahaa halkii ay ka dhacday doorashadii 8 February ee lagu doortay Madaxweyne Farmaajo.

About Post Author

A.Hussein

Weheliye Online // Isha Wararka Sugan
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
- Advertisement -spot_img

More articles

- Advertisement -spot_img

Latest article

error: Content is protected !!