Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor oo gaaray Turkiga

0
200
0 0
Read Time:28 Second

Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa lagu soo dhoweeyay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Socdaalka Madaxweyne Qoorqoor ayaa ah kii u horreeyay uu ku tago Turkiga, tan iyo markii xilka Madaxweynaha Galmudug loo doortay.

Waxaa soo dhoweeyay Safiirka Soomaaliya u fadhiya Turkiga, Safiir kuxigeenka iyo Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Turkiga.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa waxaa Turkiga u degan qoyskiisa, inta uu joogo Turkiga ayaa la filayaa inuu maro baaritaan caafimaad.

Waxaa uu la kulmi doonaa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Turkiga iyo qaar ka mid ah hey’adaha horumarinta dalka Turkiga.

About Post Author

A.Hussein

Weheliye Online // Isha Wararka Sugan
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %