spot_img
spot_img
0 0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Oo Dib Ugu Laabtay Magaalada Jowhar

Must read

A.Husseinhttp://www.weheliye.com
Weheliye Online // Isha Wararka Sugan
Read Time:52 Second

Jowhar(weheliye Online)-Madaxweynaha Maamul Goboleedka Hirshabeelle mudane Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa Magaalada Muqdisho ayaa Maanta dib waxa uu ugu laabtay Magaalada Jowhar ee Caasimadda maamulka Hirshabelle.

Madaxweyne Guudlaawe iyo xubno ka tirsan maamulkiisa ayaa waxaa Jowhar kusoo dhaweeyay Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe Axmed Faal, Wasiiro, Xildhibaano ka tiraan maamulka hirshabelle.

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa Caasimadda dalka ee Muqdisho uga qeyb galay shirkii Golaha Wadatashiga Qaran oo Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada ay heshiis uga gaareen khilaafkii ka taagnaa doorashada dhaceysa.

Sidoo kale inta uu ku sugnaa Magaalada, Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa waxa uu kulan la qaatay Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha iyo xubno ka tirsan Beesha Caalamka, iyagoona ka wada hadlay Arrimaha doorashada dalka.

Cali Guudlaawe ayaa kulankii ugu dambeeyay Muqdisho kula qaatay Safiirka dalka Itoobiya ee Soomaaliya Cabdifitaax Cabdullaahi Xasan, isla markaana waxaa ay ka wada hadleen Amniga gaar ahaan xoojinta howlgalada la dagaalanka Al-shabaab.

Madaxweyne Guudlaawe waxa uu wajahayaa culeys dhanka deegaanka gaar ahaa bulshada ku dhaqan Gobolka Hiiraan oo kasoo horjeedo maamulka uu hogaaminayo Guudlaawe.

.

About Post Author

A.Hussein

Weheliye Online // Isha Wararka Sugan
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
- Advertisement -

More articles

Latest article

error: Content is protected !!