Madaxtooyada Soomaaliya oo war kasoo saartay Xadgudubka lagu hayo Diinta Islaamka iyo NABIGA NNKH.

0
217
0 0
Read Time:54 Second

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa war ka soo saartay war ay ku sheegtay in ay ka xuntahay xadgudubka iyo caqiidada iyo muqdasaadka dadka muslinka ah ee ugu horeeyo Nabi Muxamed (scw)

HOOS KA AKHRISO QORAALKA MADAXTOOYADA SOOMAALIA.

    Kala saaridda Xorriyadda Hadalka iyo Ku Xadgudubka Muqadasaadka Diiniga ah

    Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ka xun tahay in lagu xadgudbo caqiidada iyo muqdasaadka dadka Muslimiinta ah oo uu ugu horreeyo Suubanaheenna Nabi Muxamed, nabadgelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee, iyada oo marmarsiyo laga dhiganayo xorriyadda hadalka.

    Waxay adduunydu isla ogoshahay in la dhawro Muqadasaadka diiniga ah, gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u taabanaya diinteenna sharafta badan ee Islaamka.

    Fal kasta oo dhaawacaya dareenka dadka Muslimiinta ah wuxuu u adeegayaa danaha kooxaha xagjirka ah, waxaana habboon in laga fogaado ficilladan oo kale maadaama ay abuurayaan nacayb bulsho oo ka dhex dhasha shucuubta caalamka ee kala aaminsan aragtiyada iyo diimaha kala duwan.

    Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ku boorrinaysaa hoggaamiyeyaasha caalamka in ay si taxadar leh uga fiirsadaan hadallada xadgudubka ku ah dareenka dadka Muslimiinta ah iyaga oo kala saaraya xorriydda hadalka iyo ku xadgudubka muqadasaadka diiniga ah.

    DHAMMAAD

About Post Author

A.Hussein

Weheliye Online // Isha Wararka Sugan
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %