spot_img
spot_img

Maamulka Puntland oo xabsiga dhigay Taliye Amray In damiin Laga Rabo Dadka Ka Safraya Garoowe

Must read

A.Husseinhttp://www.weheliye.com
Weheliye Online // Isha Wararka Sugan

iyadoo saacadihii lasoo dhaafay laisla dhexmarayay warar sheegaya warar sheegaya in taliska booliska magaalada garoowe uu soo saaray amaro culus oo ku socda dadka ka safraya iyo kuwa soo galaya magalaada garoowe ,waxaana amaradaasi soo saaray  mid ka mid ah taliska ciidanka ku sugan kontaroolada puntland isagoo sheegay in qofkasta oo soo galaya ama ka baxaya gorwe laga rabo  damiin

Durbadiiba waxa warkaasi gaashaanka u daruuray oo been abuur ku tilmaamay taliska guud ee gobolka nugaal ,waxaana ay soo saareen amar lagu soo xirayo taliyii amaradaasi soo saaray

Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Nugaal G/sare Maxamed Aaden Jaamac ayaa waxa uu amarku bixiyay in xabsiga la dhigo taliye axmed maxmuud cali oo ahaa ninkii amarada soo saaray

waxaana uu taliyuhu sheegay in amaradaan uu ninkaan kaligiis soo saartay islamarkaasn ay waxa ka weydinayaan isaga

Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Nugaal G/sare Maxamed Aaden Jaamac ayaa wararku waxa ay tilmaamayaan in si degdeg ah uu ciidamada ku amray in xabsiga lasoo dhigo taliyhaas oo lagu eedeeyay in amaradaan uu iskiis usoo saaray

wararkiigu dambeeyay oo aan helayno ayaana sheegaya in xabsiga loo taxaabay taliyihii soo saaray amarada lagu soo rogay dadka ka safraya magaalada garoowe

Amaradaan kasoo baxaya taliska gobolka nugaal   ayaa waxa ay kusoo aadeeysaa xili saacadihii lasoo dhaafay ciidanka puntland ay wadeen howlgalo isdaba joog ah oo  lagu xaqiijinayo amaanka degaanada maamulka puntland

- Advertisement -

More articles

- Advertisement -

Latest article

error: Content is protected !!