Maamulka Jubaland oo sheegay iney Al_shabab ku jabiyeen Weerarkii Deegaanka Baarsanguuni+Sawirro

War lagu daabacay Warbaahinta Maamulka Jubbaland waxa looga hadlay
weerarkii saakay Aroortii ay Al-Shabaab ku qaadeen deegaanka Baar sanguuni ee Gobalka Jubada Hoose.

Saraakiil ka tirsan Maamulka Jubbaland waxa ay xaqiijiyeen in weerarkii saakay ay khasaaro lixaad leh ay ku gaarsiiyeen dagaalamayaasha ka tirsan Al-Shabaab.

“Shabaab waxaa weerarkii saakay kaga dilnay 73 askari waxaana sidoo kale ka fashilinay oo aan ka hor tagnay gaari kale oo walxaha qarxa ay kasoo buuxiyeen, waana qarxinay gaarigaai ugu dambeyn”. Sidaasi waxaa lagu baahiyay warbaahinta Ku hadasha Afka Maamulka Jubbaland.

Dhanka kale Al-Shabaab oo ka hadlay dagaalka ayaa sheegay in ay Qarax ku galeen saldhiga islamarkaana ay la waregeen kadib dagaal dhacay.

About A.Hussein 1123 Articles
Weheliye Online // Isha Wararka Sugan