spot_img
spot_img

Maamulka Gobolka Hiiraan Oo Heshiisiinaya Beello Ku Dagaallamay Deegaanno Ku Dhow Maxaas ee G.Hiiraan

Must read

A.Husseinhttp://www.weheliye.com
Weheliye Online // Isha Wararka Sugan

Dagmada Maxaas ee gobolka Hiiraan waxa ka socda dedaallo nabadeed oo lagu qaboojinayo xiisad ka dhaxeysa beello wada dega deegaanno ku dhow degmada Maxaas

Degmada Maxaas waxa dhawaan gaaray guddoomiyaha gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Dabageed iyo waxgarad aad u badan, kuwaa oo ku howlan sidii xal looga gaari lahaay dagaalada kusoo noqnoqday Duleedka Dagmadaas.

Guddoomiye Dabageed oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ulajeedka ay degmada Maxaas u joogaan tahay ka shaqeynta nabadda dadka walaalaha ah ee deriska ah.

Waxa uu tilmaamay in maanta ay ballansan yihiin waxgaradka dhanka Galmudug, islamarkaana laga wadahadli doono waxa dhacay.

“Wiilashu iney dhintaan faa’ido ma ahan, waxaan u joognaa inaan nabadeyno dadkan walaalaha ah ee is gaaray” ayuu yiri guddoomiyaha.

Beello isku haya arrimo dhul ayaa dhowaan ku dagaallamay deegaanka Dudun Cad oo hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, waxaana dagaalkasi ka dhashay khasaare isugu jirta dhimasho iyo dhaawac.

- Advertisement -

More articles

29 COMMENTS

- Advertisement -

Latest article

error: Content is protected !!