spot_img
spot_img

Maamulka Gobolka Banaadir Oo Dagniin Adag U Diray Shacabka Muqdiisho iyo Ganaax ay mudan doonaan …

Must read

A.Husseinhttp://www.weheliye.com
Weheliye Online // Isha Wararka Sugan

MUQDISHO(weheliye Online) -Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamed Maxamuud (Filish) ayaa shir jaraa’id uu qabtay waxa uu faray bulshada Caadimadda in ay u dhaga nuglaadaan fariimaha caafimaad iyo wacyigalinta uu wado maamulka gobolka Banaadir ee loogu hortagayo faafitaanka caabuqa COVID-19.

Duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Filish ayaa sidoo kale tilmaamay in ay ciqaab la kulmi doonan cidii fulin weyso awaamiirta ay soo saartay wasaarada Caafimaadka ee la xariirta cudurka Coronavirus.

Gudoomiyaha gobolka banaadir ayaa waxa uu sheegay in ganaax uu muteysan doono qofkii aan xiran face mask ama af xirka marka uu joogo goobaha dadku iskugu yimaadaan ,waxaana gudoomiyuhu uu sheegay amarkaan ay ka dhaqan galin doonaan goobaha ganacsiga, gaadiidka dadweynaha iyo meelaha bulshada isugu timaado.

Cudurka korona virus ayaa dad badan ay haatan kula xauun sanayaan gudaha magaalada caasimada ah ee muqdisho halka kuwa lana ay u dhinteen ,waxaana jirta in dadka soomaaliyeed intooda badan ay muuqto in sida ay tahay aysan u qaadan fariimaha wacyigalinta cudurka.

Dowladda ayaana sheegtay in talaabo ay ka qaadeeyso dadka iska in dhatiraya qatarta cudurka covid19 oo dalka kusoo laba kacleeyay sii xooglehna ugu jira dalka

- Advertisement -

More articles

- Advertisement -

Latest article

error: Content is protected !!