spot_img
spot_img

Maamule School oo lagu dilay degmada Afgooye ee gobolka Shabellaha Hoose .

Must read

A.Husseinhttp://www.weheliye.com
Weheliye Online // Isha Wararka Sugan

Wararka aan ka heleyno degmada Afgooye ee gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in halkaas lagu dilay maamulaha school ku yaalo dagmadaas.

Marxuumka la dilay ayaa magaciisa lagu soo koobay Cabdalla,

Dad goob joogayaal ah ayaa iftinews.com u sheegay in maamulaha uu ku guda jiray shaqadiisa caadiga ah ee schoolka,balse rag dhalinyaro ah ay ka toogteen qaarka sare

Marxuumka ayaa la ogeyn sababta loo diley iyo sidoo kale cidda dilkaasi ka dambeysay.

Xilliga dilkan uu dhacayey waxaa fasallada si caadi ah ugu jiray ardayda iyo macallimiinta, waxaana socotey xiisadaha iskuulka.

Dilalka sidan oo kale ah ayaa maalmahan dambe kusoo noqnoqday meello ka mid ah dalka, iyadoo Muqdisho Bishii hore lagu diley maamule iskuul iyo ku xigeenkiisa.

- Advertisement -

More articles

- Advertisement -

Latest article

error: Content is protected !!