spot_img
spot_img

Liiska Musharaxiinta u tartamaya xilka Madaxweynaha Puntland oo sii kordhaya.

Must read

A.Husseinhttp://www.weheliye.com
Weheliye Online // Isha Wararka Sugan

Magaalada Garawe ee xarunta Dowlada Puntland ayaa la ciirciireysa Musharaxiin aad u tiro badan oo bilahii ugu dambeeyay ku qulqulayay kuwaas oo u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Punrland iyo ku xigeeynka.

Waxa soo kordhaya musharaxiinta isku soo taagaya xilalka ku sareeya dowlad goboleedka puntland.

inta badan musharaxiin u taagan qabashada xilka madaxweynaha ayaa u badan masuuliyiin qurbo joog ah.

Dad yawga ku dhaqan maamulka puntland ayaa walaac ka muujinaya musharaxiin ka yimid dalka dibadiisa,kuwasoo ay ku dhaliilayaan in aan waxba kala socon xaalka dalka uu ku sugan yahay.

in ka badan 36 musharax ayaa u taagan xilka madaxweynaha,inta badan waxay ay ka hadleen in ay wax ka qaban doonaan,Amniga,Dhaqaalaha,iyo soo celinta dhulka ka maqan Maamulka Puntland.

Isimada Puntland ayaa lagu wadaa in ay soo xulaan 66 xildhibaan oo dooran doona Madaxweynaha iyo ku xigeyn kiisa iyo gudoonka Baarlamaanka.

Doorashada ka dhaceyso Puntland waa doorashadii ugu adkeed ee soo marta abid marka loo eego tirada musharaxiinta oo aad u badan.

- Advertisement -

More articles

- Advertisement -

Latest article

error: Content is protected !!