spot_img
spot_img
0 0

Lammaane xiriirkoodu socday 9 sanno oo maalintii ay aqal geli lahaayeen gurigoodii daad qaaday.

Must read

A.Husseinhttp://www.weheliye.com
Weheliye Online // Isha Wararka Sugan
Read Time:1 Minute, 9 Second

Lammaane da ‘yar oo ku nool gobolka New South Wales ee Australia ayaa maalintii arooskooda ku beegnayd waxaa gurigooda qaaday daadad xoog leh.

Deriska oo aad uga naxay ayaa duubay muuqaal muujinaya sariirtooda jiifka oo dul sabeynaysa biyaha daadka ka dib markii webiga uu karkaaraha jabsaday.

Kumanaan qof oo kale oo ku nool xaafadaha hoose ee Sydney ayaa loo sheegay in laga yaabo inay guryahooda ka qaxaan.

Saraakiisha ayaa ka digay in daadad xoogbadan oo nolosha bin’iaadamka khatar gelinaya ay sii socon karaan ilaa khamiista.

Barasaabka gobolka New South Wales Gladys Berejiklian ayaa ka digtay in gobolkaasi u wajahayo fatahaadii ugu ba,naa ee soo mara muddo 10 sano ah.

Dadka deegaanka ayaa isku dayay in ay badbaadiyaan sariirta caruuska oo sii dul sabeyneyso biyaha iyo agabkii kale oo dhamaantood daadku qaaday.

Maxaa ku dhacay guriga lammaanaha?

Sarah Soars iyo Joshua Edge ayaa waxay kireysteen, guri yaalla waqooyiga Sydney, waxayna ahayd inay aqal galaan maanta oo Sabti ah hase yeeshee nasiib darro, waxaa karkaarrada soo jabsaday wabiga oo ku yaallay meel aan sidaa uga fogeyn gurigooda.

Lammaanaha oo muddo sagaal sannadood ah wada socday ayaa markii ay musibadu dhacaysay ku sugnaa guri ay qaraabadooda leyihiin.

Dad goob joogeyaal ah ayaa sheegay in gabi ahaanba guriga ay biyaha xaaqeen, waxay sheegeen in qiyaas ahaan guriga iyo webiga ay

Boqolaal qof ayaa isugu soo uruuray xarumaha samatabixinta ee deg-degga ah.

About Post Author

A.Hussein

Weheliye Online // Isha Wararka Sugan
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
- Advertisement -

More articles

Latest article

error: Content is protected !!