-1.4 C
Munich
Tuesday, January 25, 2022
0 0

Kumanaan arday oo gudaha somaliya u fariisatay Imtixaanka Qalinjebinta Dugsiga Sare

Must read

A.Husseinhttp://www.weheliye.com
Weheliye Online // Isha Wararka Sugan
Read Time:1 Minute, 10 Second

Ku dhawaad 40-kun oo arday oo isugu jirta gabdho iyo wiilaal ayaa maanta u fariisatay Imtixaan shaahaadiga fasalka 12-aad ee Dugsiga sare 2020/21.

Ardayda saaka u fariisaneysa imtixaankan ayaa ku kala sugan gobolka Banaadir, Jubbaland, Koonfur Galbeed, Hir-Shabeelle iyo Galmudug.

Imtixaanka ayaa socon doona muddo shan maalmood ah Ciidammo badan oo booliis ah ayaa la geeyay goobaha imtixaanka lagu qaadayo kuwaas oo aad u adkeeyey amaanka si gaar ah wadooyinka soo galayo goobaha Muqdisho saakay imtixaanka ardayda ku galayso

Wasaaradda waxbarashada dowladda federaalka ayaa sheegtay in tallaabooyin dheeraad ah la qaaday imtixaankuna yahay mid lagu kalsoonaan karo

Waa sanad dugsiyeedkii 7-aad oo si rasmi ah ay imtixaanka u qaadeyso wasaaradda waxbrashada hidaha iyo tacliinta sare ee xukumadda Soomaaliya, waxaana xusid mudan in ardayda wax ku barata deegaanada Puntland ay 7sano ka qeyb gelin imtixaanka ay qaadeysay dowladda dhexe.

Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare Xukuumadda Soomaaliya ayaa Ardayda ku wargelisay in ay raacaan habraaca ay u qorsheysay in ay maraan si Ardaygu aanay buuq ula kulmin maalmaha Imtixaanka.

Todobaadkii tagay waxaa soo idlaaday Imtixaan sanadkeedka fasalka 8-aad Dugsiga Dhexe oo ay galeen in ka badan 26-kun oo Arday, sanadkaan waxaa mas’uuliyadda dusha saartay maamulka Gobolka Banaadir.

Ilaa hadda macadda sababta ay dowlad goboleedka puntland ardaydeeda ay uga qeyb gali la-yihiin allow dadaalo badan loo galay sidii ay uga soo qeybgali lahaayeen imtixaanka shahaadiga Dugsiga sare.

About Post Author

A.Hussein

Weheliye Online // Isha Wararka Sugan
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
- Advertisement -spot_img

More articles

- Advertisement -spot_img

Latest article

error: Content is protected !!