Ku dhawaad 22 qof oo ku geeriyootay Dooni ku dagtay Dalka Tunisia.

0
191
0 0
Read Time:44 Second

Warar ay baahisay wakaalada warar ee Reuters oo soo xiganaysa Hay’adda Laanqeerta cas Tunisia oo sheegtay in ugu yaraan 23 qof oo muhaajiriin ay ku geeriyoodeen biyaha xeebaha dalka Tunisia.

Muhaajiriinta ay doonida la dagtay ayaa la sheegay in ay usii jeedeen dalka liibiya,Halkaas oo ay uga sii safri lahaayeen dalalka yurub,balse ay la quustay doonidii ay saarnaayee.

Sarkaal hay’adda ka tirsan Laanqeerta cas ayaa sheegay in doonidii ay la socdeen oo kusii jeeday Libya si ay u garaan Dalka Talyaaniga ay kula qalibmatay xeebaha Tunisia.

Ilaalada xeebaha dalka Tunisa ayaa sheegay in lasoo badbaadiyay 70qof waxaana dhintay 23 qof doonta oo lagu saarnaa inkabadan 90qof.

Dadka ka badbaaday doonida ayaa la geeyay heryo ay maamusho Hay’adda Laanqeerta cas halkaas oo qaarkood lagula tacaalayo , sanadii dambe waxa sii kordhayay dadka kasii tahriibayo heebaha dalka Tunis si ay u gaaraan Dalka Talyaaniga.

About Post Author

A.Hussein

Weheliye Online // Isha Wararka Sugan
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %