-1.4 C
Munich
Tuesday, January 25, 2022
0 0

Ku dhawaad 10 askari oo ku dhimatay dagaal toos ah oo ay la galeen Al-shabaab gobalka Gedo.

Must read

A.Husseinhttp://www.weheliye.com
Weheliye Online // Isha Wararka Sugan
Read Time:45 Second

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal xoogan oo ka dhacay tuulo lagu magacaabo Hareer-tuur ee u dhaxeysa degmada Balad-Xaawo  iyo deegaanka tuulo Barwaaqo ee gobalka Gedo.

Dagaalka ayaa u dhaxeeyay ciidamo ku heyb ah Nabadoon lagu dilay Gedo iyo daagaalamayaasha Al-shabaab.

Dagaalka oo ahaa mid socday saacado badan ayaa lasheegay in gabi ahaanba la dilay ciifamadii werarka soo qaaday oo ku heyb ahaa Nabadoon horay loogu dilay Gedo

Ilo xog ogaal ah ayaa xaqiijinaya in ciidamada weerarka qaaday ay gaarayeen ilaa 10 askari oo ku heyb ah Nabadoon dhawaan Al shabaab ay ku gowraceen degmada Balad-xaawo ee gobalka Gedo.

Xaalada deegaanka lagu dagaalamay ayaa ah mid kacsan,iyadoo lasoo sheegayo in ay gaareen ciidamada daraawiishata Jubaland.

Wali majirto wax war ah oo kasoo baxay taliska ciidamada Jubbaland iyo kuwa Al shabaab oo ku aadan weerarka khasaaraha badan dhaliyay ee ka dhacay duleedka degmada Balad-xaawo ee Gedo.

About Post Author

A.Hussein

Weheliye Online // Isha Wararka Sugan
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
- Advertisement -spot_img

More articles

- Advertisement -spot_img

Latest article

error: Content is protected !!