spot_img
spot_img

Kooxo Hubeysan Oo Ganacsade Ku Dilay Magaalada Muqdisho

Must read

A.Husseinhttp://www.weheliye.com
Weheliye Online // Isha Wararka Sugan

Kooxo ku  hubeysan baskoolado ayaa saaka ku dilay ganacsade si weyn looga yaqaank magaalada Muqdisho.

Kooxda dilka geystay ayaa la sheegay iney ka qaateen gaari uu lahaa Marxuumka la dilay.

Marxuumka la dilay ayaa lagu magacaabayay Cabdi Cismaan Biifane, waxana la sheegay xiliga dilka loo geysanayay inuu ku sugnaay hooygiisa oo ku yaalla Ex Koontarool Afgooye,waxana ku dhaawacmay gabar uu dhalay .

Ganacsadaha la dilay ayaa ka ganacsan jiray  Gawaarida iyo Dayactirkooda sida ay sheegeen eheladiisa.

Lama oga sababta loo dilay, hase ahaatee dilalka muddooyinkan ka dhacayay magaalada Muqdisho ayaa ahaa kuwo ujeedo badan leh oo ay ka dambeeyaan kooxo kala duwan

- Advertisement -

More articles

- Advertisement -

Latest article

error: Content is protected !!