Koox Hubeysan oo saakay Askar Badan ku dishay Muqdisho.

0
170
0 0
Read Time:27 Second

Koox ku hubeesan bastoolado ayaa saakau askar ka tirsan ciidanka booliska Soomaaliya ku dishay iskooyska Siinaay ee magaalada Muqdisho.

Askarta la dilay ayaa gaareysa illaa seddax askari, waxaana dilkooda geysatay koox ku hubeesneed bastoolado, kuwaas oo dilka kadib goobta iskaga baxsaday.

Magaalada Muqdisho ayaa maalmihii dambe waxaa ku soo badanyey dilalka qorsheysan iyo qaraxyada nooca miinada ah oo inta badan masuuliyadooda ay sheegtaan dagaalamaysasha Al-Shabaab.

Ciidamada Dowlada oo goobta gaaray ayaa bilaabay baaritaan ay ku baadi goobayaa kooxdii dilka geysatay oo la sheegay in ay goobta iskaga baxsadeen.

About Post Author

A.Hussein

Weheliye Online // Isha Wararka Sugan
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %