Koox hubeysan ayaa macalimiin  dugsi qur’aan waxaa ay ku dileen degmada Cadale ee gobolka shabeelada dhexe.

0
161
0 0
Read Time:48 Second

Koox hubeysan ayaa macalimiin  dugsi qur’aan waxaa ay ku dileen degmada Cadale ee gobolka shabeelada dhexe, sida uu soo sheegayo weriyaha KNN ee gobolkaasi Bashiir Cali Daahir.

Tirada macalimiinta la dilay ayaa waxaa ay gaarayaan ku dhawaad 5 qof, waxaana la sheegay in xiliga la dilayay macalimiinta ay  subac ku jireen.

Ilaa iyo hada lama oga sababta ka dambeysay dilka loo geystay macalimiinta, iyadoona la soo werinayo in kooxda dilka geysatay ay goobta ka baxsadeen.

Macalimiinta la dilay ayaa waxaa  lagu kala magacaabaa:-

1) Sheekh Daahir Xasan Cali

2) Macalim Maxamuud Canbuure

3) Macalim Maxamed Xuseen Axmed Caddaawe

4) Macalim Mukhtaar C/laahi Cilmi, iyo

5) Ow Muxumud Xasan Calli

Sidoo kale macalimiinta ayaa waxaa ka mid ah labo Macalin oo walaalo ahaa, kuwaas oo lagu kala magacaabi jiray , Shiikh Daahir Xasan Cali iyo Ow Maxamuud Xasan Cali.

Ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay maamulka gobolka shabeellada dhexe, kan Hirshabelle iyo dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

About Post Author

A.Hussein

Weheliye Online // Isha Wararka Sugan
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %