Koonfur galbeed oo digniin u dirtay siyaasiyiin caana

Maamulka Konnfur Galbeed somaliya ayaa digniin u diray siyaasiyiinta ku nool deeganada uu maamulo Koonfur Galbeed oo markii ugu horeeysay noqoneeysa dagniin ka soo baxday maamulkaasi.

Xasan Xuseen Maxamed(Eelaay) oo ah wasiirka Wsaarada Amniga ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in siyaasiyiinta marnaba aysan marin habaabin shacabka halkaasi degen.

Waxa uu sheegay in cidkasta oo dadka ku abuureysa dhibaatooyin aan waxba ka jirin tallaabo lag qaadi doono,waxa uuna amray in tallaabo sharci ah laga qaado cidkasta oo dhaliilo been ah shacabka u soo jeedisa.

Mas’uuliyiinta Maamulada Gobolalada Baay iyo Bakool ayuu farey in ay farta ku fiiqaan cidkasta oo ay arkaan,iyada oo ku howlan dhibaateynta Shacabka Koonfur Galbeed oo qaarkood ay ku sugan yihiin deegaano ay Go’doomiyeen Al-Shabaab.

Hadalkaan ka soo yeeray Wasiirka Wasaarada Amniga Maamulka Koonfur galbeed ayaa imaanaya in ay jiraan siyaasiyiin dhaliilsan qaab maamulka Shariif xasan Sakiin.

 

 

LAWADAAG ASXABTADA MARWALBA KU XIDHNOW WWW.IFTINEWS.COM

About A.Hussein 1134 Articles
Weheliye Online // Isha Wararka Sugan