Klopp oo wiilashiisa kaga digay halista kaga imaan karta kulanka caawa ee kooxda Leicester City iyo….

Jurgen Klopp Macalinka kooxda kubada cagta ee Liverpool ayaa wiilashiisa kaga digay halista kaga imaan karta Leicester City iyo weeraryahankooda Jamie Vardy.

kooxda Liverpool ayaa fursad weyn u heysata caawa inay sii dheereysato hogaanka horyaalka Premier League, kadib markii ay xalay guuldaro 2-1 ah kala kulantay Manchester City dhigeeda Newcastle United.

Jurgen Klopp ayaa oo kahor kulanka caaw fariin digniin ah u dirayay wiilashiisa Red wuxuu yiri:

“Waxay jecel yihiin inay la ciyaaraan kooxaha waaweyn, dabcan iyaga waa koox halistooda ay aad u badan tahay”.

“Jamie Vardy wuxuu leeyahay tayo sare uu kubada ku dhameystiri karo, marar badan ayaan xaalada u fududeenay, laakiin dabcan Jamie waa weeraryahan fantastik ah”.

kooxda Liverpool ayaa sanadkaan ugu cadcad horyaalka Premier League.

About A.Hussein 1134 Articles
Weheliye Online // Isha Wararka Sugan