spot_img
spot_img

Kismaayo:Kulamo gaar gaar ah oo u dhaxeeya maamulka Jubaland iyo Gudoomiyaha golaha aqalka sare oo ka socdo kismaayo

Must read

A.Husseinhttp://www.weheliye.com
Weheliye Online // Isha Wararka Sugan

Wararka aan ka heleyno magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ayaa ku waramaya in halkaas uu
si habsami leh uga socdaan kulamada u dhaxeeya Maamulka Jubbaland iyo sidoo kale xubnaha uu hoggaaminayo guddoomiyaha golaha aqalka sare, Mudane Cabdi Xaashi C/laahi.

kulan dhax maray shalay ayeey markii ay kulmeen wafidiga aqalka sare, iyo Labada gole ee dowlad goboleedka Jubbbaland, waxeyna ka wadada hadkeen
Tabashooyinka maamulka Jubbaland ee dowladda federaalka ah.

Mas’uuliyiin uu ka mid yahay madaxweynaha Koowaad ee Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan ayaa halkaasi ka sheegay waxyaabo badan oo ay ka tabanayaan dowladda dhexe, loona baahan yahay in la xalliyo tabashadaasi.

Guddoomiye Xaashi ayaa la kulmi doona maanta mas’uuliyiin kale oo Jubbaland ah, wuxuuna guddoomiyaha doonayaan in la xalliyo waxay tabaneyso Jubbaland.

Jubbaland ayaa ka mid ahayd dowlad goboleedyadii horey u shaaciyey iney hakiyeen xiriirkii ay la lahaayeen dowladda federaalka Soomaaliya.

- Advertisement -

More articles

- Advertisement -

Latest article

error: Content is protected !!