Kiisas Hor Leh ee la xidhiidha Caabuqa COVED_19 oo laga helay Deegaanada Somaliland.

0
228
0 0
Read Time:51 Second

Wasaaradda Caafimaadka Maamulka Somaliland ayaa Maanta shaacisay natiijada kasoo baxday dad dhowr ah oo looga shakisnaa Cudurka COVID-19, kuwaas oo qaarkood laga helay Cudurkaas.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ayaa waxaa lagu sheegay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay Cudurka laga helay 8 ruux, kadib baaritaano kala duwan oo lagu sameeyay lagu ogaaday inay qabaan Cudurka.

Dadka laga helay Cudurka oo dhamaantood rag ah ayaa waxaa ay 5 kamid ah ku sugan yihiin Magaalada Berdera, halka qof kalena uu degan yahay Hargeysa iyo 2 qof oo ku sugan Burco.

https://weheliye.com/2020/05/19/saddex-ruux-oo-ku-geriyootay-duqeyn-xalay-ka-dhacday-gobolka-gedo/

 

Sidoo kale qoraalka ayaa waxaa lagu xusay in hal qof uu Cudurka ugu geeriyooday halkaas, isla markaana ahaa Nin da’diisuna aheyd 85jir oo maalmihii lasoo dhaafay la jiifay Cudurka.

Tirada guud ee Cudurka COVID-19 laga helay deegaanada Somaliland ayaa gaartay 139 Ruux, waxaana Cudurka halkaas ugu geeriyootay 10 ruux, halka ay Cudurka ka bogsatay dhowr qof.

About Post Author

A.Hussein

Weheliye Online // Isha Wararka Sugan
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %